Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa ugu baaqay shacabka koonfur galbeed in ay ka qeybqaataan dhismaha xarunta TV-ga iyo Idaacadda si ay u noqoto xarunta dadka hanuuniso.
“Dowladdu waa shacabka, hantida dowladda waa shacabka. Hanti kale dowladda ma lahan, maamulkii ayey heysaa, Ugaas Xasan waa uu keenaa wuu dhaggax dhigay wuu ku dedaalay wuu noo baaqay waan u nimid laakin ma dhammeestiri karo, laakin waa in shacabka Koonfur galbeed ay ka qeyb qaataan dhismaha xarunta” ayuu yiri Maareeye.
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya, ayaa ganacsatada iyo qurba joogta ugu baaqay in ay ka qeybqaataan xarunta Afka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo
Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya, ayaa gacacan ka geesatay siddii maamullada dalka ay u heli lahaayeen TV-yo iyo Idaacadda ka shaqeeya meelaha ay ka howgalaan.