Qaar ka mid ah maamulada ka jira gobolada dhexe ee dalka ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlayo sidii loo mideyn lahaa maamuladaasi si ay u yeeshaan hal hogaan.
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay ma’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, Ximan iyo Xeeb, culumaa’udiinka Ahlusuna iyo Waxgarad ka soo jeeda gobolada Dhexe, iyadoo kulankaasi looga hadlay sida ugu haboon ee loo sameyn karo maamul ay isku raacsanyihiin bulshada degan goboladaasi.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa ku dheeraday ahmiyada ay leedahay maamul ay sameystaan dadka dega gobolada Dhexe isagoo hoosta ka xariiqay in nabadoonadoodu ay horseed ka noqon doonaan arintaasi.
Mas’uuliyiintii kala duwanaa ee halkaasi ka hadashay ayaa isku aragti ka ahaa maamul loo sameyo gobolada Dhexe iyagoo sheegay in ay sii socondoonaan kulamada noocan oo kale ah oo loogu gogol xaarayo maamul u sameynta gobolada dhexe.
Idale News Muqdisho