DFS oo sheegtay inay Hoggaamin doonto kulammo lagu Gor-feynayo xaalada dalka

0
210

Muqdisho(INO) — Dowladda Federaalka Somalia ayaa toddobaadkan Hor-kici doonta kulamo muhiim u ah baahinta xukunka, Hiigsiga 2016-ka iyo dib u heshiisiinta, sida u sheegya madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in toddobaadkan uu dhacayo shirkii wadatashiga ee lagu ballansanaa inuu degmada Kismaayo ka furmo, dhanka kalena uu furmayo shirka maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka furmaya kulan hordhac ah oo uu horkacayo RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, waxaana ka qayb-galaya madaxweyneyaasha maamullada Jubba, Axmed Maxamed Islaam, Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, Puntland, C/weli Maxamed Gaas iyo Koonfuur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirkan hordhaca ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa Xiriirka ka dhexeeya maamulada, xalinta wixii Tabashooyin ah oo jira, Dhameystirka Heshiiskii lagu soo af-jaray Colaaddii magaalada Gaalkacyo iyo u diyaar garowga kulanka Wadatashiga ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sannadkan 2016-ka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here