Dhageyso: Madaxweynaha Jubba Oo Sheegay In Dhawaan Uu Booqasho Ku Taggi Doono Baydhabo

0
226

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Maamulka Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan uu booqasho ku taggi doono Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay.

Madaxweynaha, ayaa soo hadalqaaday in Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Dowlada  Koonfur Galbeed Soomaaliya, uu dhawr goor booqasho ku tagey Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose, isla-markaana uu markiisa ka jawaabi doono.

“Madaxweynaha Koonfur Galbeed dhawr goor buu booqasho ku yimid Kismaayo. Saan Saan ku gud, saxana saxan ku gud. Marka hadda saantaydii baa dhimanoo, iyadana waxaan rabaa inaan waqti dhow  Baydhabo aado, saxaafad badana aan geeyo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Jubba.

Madaxweynaha Jubba, ayaa sheegay inay meesha ka saari doonaan hadalada la’isla dhex maraayo, ee la xiriira khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hadalkan, ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo si wada jir ah ay isaga, Shariif Xasan iyo Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, gelinkii dambe ee shalay ku qabteen Garoonka Aadan Cadde.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe, ayaa Sabtidii kulan ku yeeshay Garoonka Aadan Cadde, ka dib markii uu kulankaasi isugu keenay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here