Tartanka kubbada cagta ee qaramada qaarada Afrika ayaa si rasmi ah ugaga furmay maanta dalka koofur Afrika.
Kulankii ugu horeeyey ee lagu furay tartankan ayaa waxaa isaga horyimid xulka koofur Afrika iyo xulka Cape Verde.
Xulka Koofur Afrika ayaa rajo weyn ka qabay in uu ciyaartan ka badiyo xulka Cape Verde oo ah dalka ugu yar ee ka qeybgalaya tartankan hase ahaatee soo reebay xulka kameroon.
Ciyaartan ayaa waxa ay ku soo dhamaatay barbaro aan wax goolal ah la iska dhalin iyadoo labada kooxba ay goolal badan iska qasaariyeen.
Xulka Cape Verde oo markii ugu horeysay soo gaaray finalka koobka qaramada qaarada Afrika ayaa aad ugu faraxsanaa barbaraha ay la galeen mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee ka qeybgalaya tartankan isla markaana wadankooda lagu qabanayo tartankan.
Tartankan oo ay ka qeybgalayaan 16 dal ayaa guruubka A waxaa haatan min hal dhibic leh xulalka Koofur Afrika iyo Cape Verde hase yeeshee kulanka labaad ayaa waxaa ciyaari doona xulalka Angola iyo Morroco.
Idale News Muqdisho