Sida maanta lagu qoray wakaaladda Wararka Saba ee ka soo baxda Dalka Yemen Maxkamad ku taala Dalkaasi Yemen ayaa 10 sano oo xarig ah ku xukuntay Saddex ruux oo Soomaali ah oo ku eedeysan Burcad badeednimo.
Dacwadda Raggaan ayaa horay loo furay Sanadkii 2011, waxaa xilligaasi loo hakiyey kaddib markii cadeymo rasmi ah loo waayey waxyaabaha loo haysto, balse maanta ayaa lagu helay dambiga lagu soo eedeeyey caddeyntiisa Maxkamaduna ay xukunka riday.
Garsooraha Maxkamadda Dacwada raggaasi qaadeysa ayaa u xaqiijiyey Wakaaladda Wararka Saba in Ciidamada badda Yemen ay raggaani ka soo qabteen Biyaha Soomaaliya xilli ay doonayeen inay Afduubtaan Doon Kalluumeysi oo laga leeyahay Dalkaasi Yemen.
Dalka Yemen waxa uu ka mid yahay Wadamada ugu badan ee lagu Maxkamadeeyo Shaqsiyaadka lagu eedeeyo inay ka tirsan yihiin Burcad badeedda Soomaaliya.
Idale News Muqdisho