Sarkaal sare oo u hadlay qaramada midoobay maanta ayaa ugu baaqay midowga Afrika in ay ku dadaalaan sidii ay u yareyn lahaayeen dhibaatooyinka carruurta ka soo gaarta howlgalada kadib markii dhowr carruur ah ay ku geeriyoodeen dhowaan howlgalo ay ciidamada AMISOM ka sameeyeen Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ay xafiiskeeda ka soo saartay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud u qaabilsan carruurta iyo colaadaha hubeysan Leila Zerrougui ayaa lagu sheegay in si aad ah looga xumaaday dilkii ay ciidamo ka tirsan AMISOM u geysteen carruur Soomaaliyeed deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose talaadadii aynu ka soo gudubnay.
Sarkaalkan ka tirsan qaramada midoobay ayaa waxa ay xustay in taliye ka tirsan ciidamada AMISOM Major General Salvatore Harushimana uu bilaabay baaritaan ku saabsan xaqiiqda ka dambaysa falkan lagu laayay dad rayid ah.
“Waxaan soo dhoweeynayaa tallaabada degdegga ah ee ay AMISOM qaaday oo ay ku bilowday baaritaanka. Waxana aan rajaynayaa in baaritaankan uu dhalin doono talaabooyin loogaga hortagayo dhibaatooyin kale oo xadgudub ah,”ayay tiri Leila.
“Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa Midowga Afrika in ay sii xoojiso dadaalada lagu yaraynayo dhibaatooyinka loo geysto carruurta howlgaladooda isla markaana la xushmeeyo waajibaadkooda ka saaran dhowrida qaanuunada caalamiga ah,”ayay sii raacisey Leila iyadoo sheegtay in uu xafiiskeedu diyaar u yahay in uu gacanka geysto arrintaas.
Hadalkan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa ka mid ah dareenka laga qaatay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan AMISOM deegaan u dhow Leego ee gobolka Shabelaha hoose talaadadii aynu ka soo gudubnay.
Dowlada Soomaaliya ayaa u saartay guddi soo baarta dhacdadan waxaana ay dowladu ugu baaqday ciidamada AMISOM inay jawaab ka bixiyaan dilka loo geystey dadka rayidka ah.
Idale News Muqdisho