Arday tiradoodu ay gaareyso illaa 4300 ayaa maanta u fariisatay Imtixaankii kama dambeysta ahaa ee Jaamacada Somalia kuwaasoo muudo sanado ah wax ka baranayey kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadaas ay ka kooban tahay sida uu sheegay gudoomiyaha Jaamacada Axmed C/wali Sh. Yuusuf Direed.
Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in ardaydan ay isugu jiraan wiilal iyo gabdho muddo sanado ah wax ka baranayey xarumaha Jaamacada ay ku leedahay H/wadaag, Km4 iyo baar Ubax, wuxuuna xusay in maanta la isugu geeyey dugiga hoose dhexe iyo sare ee Cisman geeddi Raage halkaasoo uu sheegay iney imtixaanka ku galeen.
Fasalada ay ardaydu imtixaanka ku galayeen ayaa waxaa soo kormeeray maanta madax ka socotay dowlada Somalia iyo Jaamacada kuwaasoo uu ka mid ahaa Wasiiru dowlaha wasaarada horumarinta Adeega Bulshada Xukuumada Fedaraalka Somalia Dr. Maxamuud Ismaaciil Barqadle oo sidoo kale ka qeyb galayay Munaasabado ujeedkodu ahaa dhagax dhiga Isbitaal cusub iyo waliba furitaanka Laporotary ama Sheybaar casri ah oo ay dhamaan yeelanayso jaamacada Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha wasaarada horumarinta adeega bulshada ee Xukuumada Somalia Dr. Maxamuud Ismaaciil Barqadle ayaa u mahad celiyay maamulka Jaamacada Somalia iyo Jaamacadaha kale ee dalka oo uu uu ku amaanay sare u qaadidada waxbarshada dalka isagoo sheegay in wasaarada horumarinta adeega bulshada ay bilaabayso dib u soo celinta adeegayada waxbarsho ee uu lahaa dalka.
Wasiiru dowlaha wasaarada horumarinta Adeega Bulshada XukuumadaSoomaaliya Dr. Maxuud Ismaaciil Barqadle iyo Gudoomiyaha Jaamacada Soomaaliya Maxamed C/wali Sh. Yuusuf Direed ayaa si wadjir ah u dhagax dhigay Isbitaal ay Jaamacadu yeelanayso.
Sidoo kale, masuuliyiintan ayaa xariga ka jaray Sheybaar casri ah oo ay yeelatay jaamacasa Somalia iyadoo wasiiru dowlaha uu sharaxaado ku aadan qaabka loogu shaqeynayo qalabka yaala sheybaarka dhageystay aradayda tababarka ku jirtay.
Gudoomiyaha Jaamacada Somalia Maxamed C/wali Shiikh Yuusuf (Direed) oo ayaa sheegay in isbitaalka maanta loo dhagax dhigay Jaamacada uu yahay mid ay wax ku baran doonaan ardayda dhigata kuliyadaha caafimaadka ee jaamacada ayna ka faaiideysan doonaan dadweynaha ku nool nawaaxigha isbitaalka.
“Sidoo kale Sheybaarka maanta xariga laga jaray waxaa isna ka faaiideysan doona ardayda jaamacada muddo badan ayaa dhismihiisa lagu howlanaa qarash badana waa ku baxay hadase ilaahay mahadii waa diyaar” ayuu intaa ku daray Gudoomiyaha Jaamacada Somalia Maxamed C/wali Shiikh Yuusuf (Direed).
Idale News Muqdisho