Gollaha Wasiiradda KGS Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeeshey Xasradda Gobolka Bakool + Xildhibaano Loo Aqoonsadey Qaswadiyaal

0
263

Baydhabo(INO)- Gollaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Ka Shir Deg deg ah isugu yimeeden iyagoon ka hadley Khilaafka Siyaasadeded Ee Ka Taagan Gobolka Bakool, ka dib markii halkaasi laga dhisey Maamul Lamagac Baxay Bakool Sare.

Kullan Maanta oo  Shri Gudoominaayey Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh, isla markaana waxaa aad loo dhaliiley Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federlka Soomaaliya oo dhawaan Ka Dhisey Degmada Ceelberde Ee Gobolka Bakool  Maamul ka dhanka Ah Dowlaa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka Gollaha Wasiir Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Diirada Lagu saarey Xoojinta iyo Ilaalinta Midnimada Shacabka Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana Digniin adag looga direy Mudanayaasha  BFS, Maamulada Puntlanad, Jubba iyo Siyaasiyiinta Qalalaase siyaasadeed ka Wado Gobolka Bakool.

Shirka Gollaha Wasiiradda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Maanta Shir Go’doomiyaaney Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa liiska qaswadayaasha lagu  daray tirro Xildhibaano ka tirsan BFS kana soo jeeda Beesha Ogaden.

Xildhibaanadaasi ayaa laga mamnuucay tagista deegaanada Dowlada KGS , waxaana looga  digay in Xildhibaanadaasi ay la soo safraan xitaa madaxda dalka Soomaaliya  xiliyada ay soo booqaneyso Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka Gollaha Wasiiradda Ee Maanta  ayaa Xildhibaanadaasi oo 6 ka kooban loo  aqoonsaday inay yihiin qaswadayaal ka macaasha burburka iyo Khilaafyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanada uu ku daray Liiska Qaswadayaasha ayaa waxa ay kala yihiin:-

  • Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye
  • Xildhibaan sanyare
  • Xildhibaan Xerow
  • Xildhibaan Axmed Aabi
  • Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif
  • Xildhibaanad Xamza

Ugu dambeyntii, Xildhibaanadaani oo kasoo jeeda Beesha Ogaden ayaa dhawaan Gobolka Bakool kaga dhawaaqay maamul sharci darro ah oo lagu xagl-daacinaayo Dowlada Koonfur Galbeed ee uu Hogaamiyo  madaxweyne Shariif Xassan.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here