Kulanti wacan asxaabey meel kasto aad joogtaan kuna soo dhowaada wararki ugu dambeeyay ee wargeysyadu ka qoreen suuqa kala iibsiga .
Ugudambeyntii Theo walcot ayaa heshiis sadexsano iyo bar ah u saxiixay naadigiisa Arsenal uu sanadkii ku qaadanayo mushaardhan 90kun gini dodobaadki sida uu cadeeyey Macalin Arsen wenger heshiiska cusub ee 23 jirka Theo kula sii joogayo Arsenal ayaa dhamaanaya 2016 ayada uu fursad u heli karo ciyaaryahanku in uu 12 bilood oo kale kudarsankaro heshiskisa goorkasta
( Dail Mail).
Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa shaqsi ahaan iska fogeeyey wararka soo jeedinaya in ay Reds dooneyso qanaaska gadoodka ka ah kooxda Intermilan ee Wesley sneijder
Sida ay qorta jariirada )Metro).
Arsen Wenger ayaa markasta niyada ka jecel in uu lasoo saxiido 25 jirka hit-ka ah ee Napoli Cavani sida uu qorayo wargeyska ( London Evening Standard). Tiiyo ay jirto in Mr Wenger oo doonayo 20 jirka reer ingiriis ee Wilfreid Zaha oo ay sidookale kula dhegantahay dhigeeda Man Unted oo ayado 10 milion kudalbatay ciyaaryahankan.
The Mirror
Kooxda kubada cagta Manchester United ayaa dooneysa in ay soo qaadato 20 jirka weerarka uga ciyaara kooxda kubada cagta Leicester City Jeff Schlupp ee cara Ingiriis ayadoo wararku sheegayaan in ayba heshiis la gaartay goorhore ciyaaryahanka sida uu maanta qoray
wargeyska( Independent)
Kubad qaabeeyahay kooxda Pescara ee wadanka Talyaani ciyaaryahankeeda Juan Fernando Quintero oo 19 Jir ah ayaa sheegaya in uu doonayo mar uun udhaqaao kooxda kubada cagta Inter milan xili sidoo kale wararku kudarayaan in ay kuraadjoogto Man United oo kamid ah waaweynka Ingiriiska
(SkySport.com) ayaa lagu soodaabacay warkan
Ninka milkiyada kooxda Chelsea iskaleh Roman Abramovich ayaa donaya in uu daydaydo macalin cusub kadib markii uu ku guuldareystay in uu soo xero galiyo macalinka ay uga dhegtay ee Pep Gardiola, Roman ayaa latashiyo lasameynaya madaxiisa farsamada ee Emenalo ninka layiraa ayada ay umuuqato in uu kashaleynayo macalinka ku meel gaarka ah ee Rafa Benitez
( Daily Star)
Isla wararka Chelsea ayaan kujirnaaye macalinka kooxda kubada cagta Borussia Dortmund Jurgen Klopp ayaa laga yabaa in uu iska diido leylinta kooxdan macalin buriska badan ee Blues walow aysan meesha ka marneyn in ay Chelsea ay jeceshahay macalinka kooxda qaranka Germany Joacham Low
( Daily Telegraph)
Realmadrid ayaa doneysa in ay Madrid dib ugu sooceliso ciyaaryahakeedii hore ee Javi Garcia oo hada u ciyaaraha naadiga Man City ee cara Ingiriis madaama Real ay ku dhibqabto soo iibsashadii Luko Modric ayne dooneyso in ay dib isaga eebiso ayadoo kooxaha horyaalka England ay saf usoogaleen durbadiiba
( Dail Expres)
Milan ayaa doneysa goolhayah waayeelka ah Tottenham keydka ka galay ee Herelho Gomes waxaana ciyaaryahankan Milan kula tartamayo kooxo ka dhisan horyaalka Holand
The Sun
Tababare Jose Mourinho ayaa diirada usaaran Naadiga Milan wararka Talyaaniga ka imaanaya ayaa sheegaya in macalinkaan uu donayo in uu marlabaad ka ciyaaro horyaalka Talyaniga Milan na ay tahay kooxda aadka u doondoneysa sida uu qoray
Corriere dello Sport
Mino Raiola waa wakiilka Mario Balotelli ayaa shalay madaxda milan kulan kula qaatay wadanka Talyaaniga waxaana lagayabaa in ciyaaryahankan Man City weerarka uga dheelo in uu uguryo noqdo Talyaaniga Gaarahan naadiga facaweyn ee Milan sida uu qorayo wargeyska
The Sun
Isla wararka Milan ayaan kujirnaaye Milan ayaa qarka usaaran in ay soo qaadato labada ciyaarhan ee Realmadrid ee kala ah Kaka iyo Carvalho madaxweyne ku xigeenka MIlan Adrian Giliani ayaa shegaya in ay sameynayaan dadaalkasta oo ay kusoo qaadanayaan qanaaskii hore ee Milan
( Gazzetta dello sport)
Kadib markii kooxda kubada Cagta ee Payermunich ay la wareegtay macalin Pep Gardiola ayey markaan waxay ujiheysatay in ay lasoo wareegto laacibka ay isho heeyso ee Naimar ee reer Brazil waxaana macaquul ah in uu badelo qorshihii uu ku aadi lahaa magaalada Barcelona madaama macalin Pep uu ahaa furhii qorshaha ciyaaryahankan ku aadilahaa Barcelona una weeciyo dhankaa iyo naadiga Bavarians
( As)
Victor Valdes ayaa usheegaya Barcelona in uusan qandaraaska u cosbooneysiin doonin sida laga soo xigtay wakiilka gool haya wararku waxay sheegayaan in naadiyada Milan, Arsenal iyo Liverpool ay gabaad ugujiraan 30 jirka reer spain
( Sport)
Juventus ayaa ugudambeyntii ku guuleysatay tartankii loogu jiray ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda kubada cagta ee Atletic dil Balbao Fernando Llorant waxayne kula heshiiyeen in uu xagaaga ugu soo biiro qaabka xortaha ah ee Boss Man ka
( Sky Sport)
Franka Lampard waa horjooga naadiga Chelsea ayaa heshiis Hordhac ah la galay naadiga Los Agels Glaxy ee cariga Mareykanka waxaana laguwadaa in uu dhamaadka bisha May uu ugu wareego qaabka xorta ah Sida ay kusowaramayaa wargeysyada inta badan kasoo Baxa dalka Ingiriiska e
(Daily Mail) iyo (Daily star)
Intaas ayaa ugu waaweynaa wararkii wargeysyada ay maanta ka qoreen kubada cagta gaarahan suuqa kala iibsiga ee Jilaalka.
Idale News Muqdisho