Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Magaalada Jowhar

0
232

Muqdisho(INO)- Warar hoose oo aan ka heleyno xubno ka tirsan Villa Somalia, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu socdaal shaqo ku gaari doono magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Xassan ayaa kulamo lamid ah kuwii ka dhacay Beledweyne, qorsheynaaya in magaalada Jowhar uu kula qaato Mas’uuliyiinta iyo Odayaasha magaalada Jowhar.

Madaxweyne Xassan ayaa socdaalka uu ku gaari doono magaalada Jowhar ku xalin doona Khilaafyo yar oo u dhexeeya Odayaasha Jowhar, waxa uuna sidoo kale halkaasi kusoo dajin doonaa shaxda shirka la filaayo in halkaasi uu ka furmo.

Qorshaha socdaalka ayaa waxaa qeyb ka noqon doona Wasiiro iyo Xildhibaano badi kasoo jeeda magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxa uuna Madaxweynuhu wadaa qorsho uu madaxweynaha maamulkaasi uga dhigaayo Xildhibaan Faarax C/qaadir oo saaxiib dhow la ah Xassan Sheekh.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here