Ruushka oo heshiis la gaaray Ururka Taliban oo ka dagaalama dalka Afghanistan

0
211

Kabul(INO)- Ruushka, ayaa wuxuu heshiis la gaaray Ururka Taliban oo ka dagaalama dalka Afghanistan. Heshiiskan wuxuu ku saleysan yahay in Ruushka uu taageero militari siiyo Taliban, si ay ula dagaalanto Daacish.

Daacish waxay billihii ugu dambeeyay ku soo xoogeysaneysay dalkaasi, waxayna marar badan dagaal isku wajaheen Taliban. Xiisadda Daacish iyo Taliban waxaa laga dareemay Afghanistan.

Wakiilka Ruushka ee dalka Afghanistan, Zamir Kabulov, ayaa Warbaahinta u sheegay in Ruushka uu wada hadalo la furay Ururka Taliban, si ay halmeel kaga soo wada jeestaan Ururka Daacish.

Ruushka, ayaa wuxuu Xarakada Taliban uu weydiistay inay u soo gudbiyaan wararka la xiriira Xoogaga Daacish ee ka dagaalama dalka Afghanistan, si ay hub ugu bedelaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa dhinaciisa sheegay in Ruushka uu hub siin doono Ciidamada Tajikistan, iyagoo markaasi ka hor-tagaaya Xoogaga Daacish.

Taliban

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, ayaa sheegay in Ruushka uu daneynaayo in Taliban uu kala kaashado dagaalka ka dhanka ah Ururka Daacish.

Sarkaalkan, ayaa sheegay in Ruushka uu hub siin doono Taliban, si ay ugu dardargeliso dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Idale News Online, Kabul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here