Stockholm(INO)- Go’aamadii ka soo baxay shir sanadeedkii Dalladda KGS Sweden ee ka dhacay Magaalada Stockholm taarikhda markay aheyd Sabtidii 19 December 2015.
1. Ugu horeyntii Shirka waxaa lagu furay aayadaha Quraanka Kariinka, kadibna shirka waxaa lagu hor akhriyay howlihii lasoo qabtay sanadkii 2015, xisaabka Dalladda ee sanadka iyo caqabadaha jira sidii looga bixi lahaa. Waxaa kaloo laga hadlay muhiimadda iyo qaabkii loo gaari lahaa hadafka Dalladda KG Somalia ee Sweden.
2.Shirka waxaa lagu doortay Maamulka Dallada KGSomaliya ee Sweden sanadka 2016. Xubnaha Maamulka Dhexe ee Dallada KG Somaliya waa sida hoos ku qoran.
- Abdulkadir Abukar Sheikh, Gudoomiye
- Jamiila Sheikh Mohamed, G/Kubiken
- Abukar Hussein, Xoghayaha Dalladda
- Asad Abdullahi, Xisabiyaha Dalade
- Zahra Mohamed Nuur, Xubin Gudiga dhexe ee Dallada
- Cukaas Suubow, Xubin Gudiga Dhexe ee Dalladda
- Musftafa Ahmed, Xubin Gudiga Dhexe ee Dalladda
- Nadiifo Aden Osman, Xubi Gudiga Dhexe ee Dallada
- Abdullahi Roble, Xubin Gudiga Dhexe ee Dallada
- Shirka waxaa kaloo isku raacay in hantidhowrka Dalladda dib loogu doortay Asia Ibrahim Mursal.
- Gudiga Dhexe ee Dallada KG Sweden waxaa kale oo uu isku raacay in Abdulkadir Mohamed (Cheif Sagaarey) in qabtohowsha Afhayeenka Dalladda KGS Sweden ee 2016.
- Shirka waxaa la isla gartay in la dhiso labo gudi oo kala ah.
- Gudiga Xaaladdaha Degdega iyo in lafuro xisaab u gaar ah xaaladdaha deg degga ah. Gudigan oo ka kooban shan xubnood waxa ay tahay shaqadooda in ay diyaariyaan barnaamij guuud oo wax looga qabto arimaha xaaladaha deg-degga ee baniaadanimada qeybta ay ka qaadan karto Dalladda KG Somaliya ee Sweden.
- Gudiga Xallinta Khilaafaadka iyo Dhaqanka. Gudigaan oo ka koobnaan doono ilaa iyo sagaar xubnood, waxaa ay howshooda noqon doontaa xallinta Khilaafaadka iyo dhaqanka.
- Shirka waxaa la isla gartay in la caawiyo caruurtii agoontii ay ka tagtay Allah U naxriisto Ex-wariye Hindiya Haji Mohamed oo bilowgii bishii December lagu dilay qarax ka dhacay Muqdishu.
- Waxaa kaloo shirka uu soo jeediyay aragtidiisa la xiriira qaabka ay Dallada KGS ee Sweden uu arko in lagu dhiso dowladda xigta ee Jamhuriyadda Federaka Somaliya ee 2016. Dallada KGS ee Sweden waxaa ay u aragtaa xalka Somalida ama sida u dhow ee cadaaladda in lagu ay tahay, inlagu dhiso dowladda qaabka 4.5 ama la tixgeliyo tirakoobka saxda ah ee dadka Soomaaliya. Dalladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Sweden waxaa kale oo uu aaminsanyahay in ka dib marka la helo ama laga sameeyo dalka Soomaaliya jawi nabadeed kaas oo saamixi karo iin la sameeyo tira koobka saxda ah ee dadka, in la qabto doorasho qof iyo hal cod ah. Arintaas oo u baahan dadaal dheeraad iyo hogaamin daacad ah sidii loo agaro arintaan. Dalladda KGS ee Sweden waxa ay aaminsanyahay in dadka ka soo jeeda KGS ay tiro haan ay gaarayaaan in ka badaan 40% tirakoobka dadka Soomaalida. Tan kale, Dalladda waxa uu ka xunyahay in shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo dega gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaliya, ay inta badan ku jiraan weli dhibaatooyin kala duwan oo ka m id ah sida nabadgalyada, waxbarashada, caafimaadka, cadaalada, horumarka iyo maamulka kuwaas oo u baahan in wax laga qabto.
- Shirka waxa uu ku guubaabinayaa dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanada, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ka soo jeeda KGS in ay ku midoobaan sidii ummadooda ay ugu samatabixn lahaayeen dhibaatooyinka dhinac kasto leh ee ku habsaday, taas oo looga bixi karo, midnimo ,caddaalad, iyo islaxisaabtan dhab iyo in danta danta guud laga hor tan gaarka ah. Shirka waxa uu ku dhamaaday Guul.
Abukar Hussen
Xoghaya Dalladda KGS Sweden
e-post: sydvast.somaliska@outlook.com
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Idale News Online, Stockholm, Sweden