Madaxweynaha KGS iyo Wafdi Uu Hogaaminayo oo Gaaray Degmada Diinsoor

0
209

Diinsoor(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasoo dhoor bilood ka hor laga saaray Kooxda Mayalka adag Ee Al-Shabaab.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la filayaa inuu la kulmo Saraakiisha ciidamada dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, AMISOM, Maamulka Degmada iyo Waxgaradka Magaalada. waxaana uu ka hadli doonaa arrimaha bani’aadanimo ee ka jirta degmada iyo in gar-gaar la gaarsiiyo, isagoona tababar u soo xiri doono Ciidamo mudo Tababar ugu socodey Gudaha Degmada Diinsoor.

Ammaanka degmada Diinsoor ayaa Maanta si aad ah loo adkeeyay, waxaana Madaxweyne shariif Xasan Sheeikh Aadan ammaankiisa sugaya Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Degmada Diinsoor ayaa noqoneysa tii labaad ee uu ku tago, kadib markii magaaladaas ay la wareegeen Ciidamada dowladda KGS oo taagyeero ka helayaan kuwo AMISOM iyo kooxda Al-Shabaab.

Idale News Online, Diinsoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here