Dowladda Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa dilka suxufi Cabdixareed Cusmaan Adan oo u shaqeynayey shabakadda war-baahinta Shabelle oo maanta oo ay taariikhdu tahay 18/1/2013 lagu dilay degmada wadajir ee magaalada Muqdisho.
Dilkaan oo qeyb ka ah dilal is-daba joog ah oo lala beegsanayey sufuyiinta ku hawlan gudashada mihna-dooda suxufinimo ayey dowladda Soomaaliya ayadoo ka xun dilkaan waxshanimada ah waxay balan-qaadeysaa inay sii wadi doonto dadaalkii ay ugu jirtay sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dhagar-qabayaashii ka dambeeyey fal-dambiyeedyadaas.
Dowladda Soomaaliya waxay u tacsiyeynaysaa ehelkiisii iyo hay`addii uu u shaqeynayey iyo guud ahaan bahda saxaafadda Soomaaliya waxayna la qeybsanaysaa xanuunka iyo murugada dilkaani keenay.
“ Looma dulqaadan doono ugaar-siga suxufiyiinta iyo muwaadiniinta aan waxba galabsan sharcigana waa la horkeeni doonaa mar ay noqotaba dambiilayaashii falkaas geystay, dowladduna waxay difaacaysaa xoriyada saxaafada iyo xuquuqda suxufiga” ayuu yiri Cabdi Shakur Cali Mire wasiirka ku xiggeenka wasaaradda warfaafinta.
Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud waxaa uu bishii November ku dhawaaqey in ay dowladdu dhisi doonto guddi daba-gala dilalka loo geysanayo suxufiyiinta taasoo muujinaysa ahmiyada ay dowladda siinayo difaaca suxufiyiinta.
Sidoo kale ra`iisul-wasaaraha xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa uu asagauna si cad oo aan gabasho lehyn u sheegey in xukuumadiisu tillaabo cad ka qaadi doonaan ugaarsiga lagu hayo suxufiyiinta.
Idale News Muqdisho