Baydhabo(INO)- Waxa magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ka dilaacay cudurka shuban biyoodka iyadoona qar kamid ah dadkii cudurkasi soritey loo gudbiyey isbitaalka weyn Magaalada Baydhabo.
Gudoomiyaha gobalka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed & kan Degmada C/laahi Cali Watiin ayaa waxay u kuur galeen xalada bukanadasi,isla markaana waxay la kulmeen Agaasimaha guud Ee isbitaalka Degmada Baydhabo C/Fataax Xaashi .
Waxayna shegeen inay wasaarada caafimadka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay soo gaarsiin doonto Deeq Daawo & tendhooyin lagu dabiibo dadkasi.
Ugu dambeyntii, Maamulka Gobalka Bay & kan Degmada Baydhabo ayaa waxay balan qadeen in agabka kale oo ka dhiman Bukanadasi sida ugu dhaqsiyaha badan ay uso garsiyaan.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo