Mombasa(INO)— Diyaarada Air France oo ka soo duushay Jaziirada Mauritius, kuna sii jeeday magaalada Paris ee Caasimada Faransiiska ayaa si deg deg ah u caga dhigatay garoonka diyaaradaha Mombasa ee dalka Kenya, kadib markii laga shakiyay baakad diyaarada saarneyd oo loo maleynayay walxo qarxa.
Duuliyeyaasha diyaaradan oo nooceeda ahaa Boeing 777 ayaa dalbatay inay ku degto garoonka diyaaradaha Moi ee magaalada Mombasa, kadib markii suulida diyaarada laga helay baakad looga shakiyay in walxo qarxa lagu qariyay.
Rakaabkii diyaarada saarnaa oo gaarayay 459 ruux ayaa si nabadgelyo looga daad-gureeyay, iyadoo la geeyay goobo amaan ah.
Afhayeen u hadlay Booliska Kenya oo lagu magacaabo Charles Owino ayaa sheegay in waxyaabaha laga helay diyaarada ay baaritaan ku hayaan qubaro.
“Diyaarada waxaa saarnaa 459 rakaab iyo 14 shaqaale ah, waxay ka soo duushay Mauritius, waxay ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Charles de Gaulle ee magaalada Paris”ayuu yiri Mr Owino.
Saraakiisha Kenya ayaa su’aalo weydiinaya rakaabka saaran diyaarada, si ay u ogaadaan shakiga laga qabo in walxo qarxa lagu qariyay diyaarada.
Diyaarada ayaa la filayaa inay dib u bilowdo duulimaadkeeda, isla markaana u kicitino magaalada Paris.
Bishii October ee sanadkan ayay aheyd markii diyaarad laga leeyahay Ruushka oo lagu qariyay walxaha qarxa ay ku bur burtay gacanka Sinai ee dalka Masar, iyadoo Daacish ay sheegatay inay soo roday diyaaradaas.
Idale News Online, Mombasa