Dhageyso: Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhabo

0
218

Baydahabo(INO)- Shilkan, ayaa maanta ka dhacay buundada Isha Baydhabo ee Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay isku dhaceen gaari xawaare ku socday iyo mooto bajaaj.

Ugu yaraan hal qof, ayaa la xaqiijiyay in shilkaasi uu ku dhintay, halka 20 kalana ay ku dhaawacantay, waxaana dhaawacyada la dhigay Isbitaalka Gobolka Baydhabo.

Afar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay shilkaasi, ayaa xaaladoodu lagu sheegay inay culus tahay, halka tobankii kalana dib looga saaray isbitaalka, markii daryeel caafimaad loogu sameeyay.

C/fataax Ibraahim Xaashi, Agaasimaha Isbitaalka Gobolka Baay, ayaa Warbaahinta u sheegay inay la tacaalayaan afartaasi qof, oo si xun ugu dhaawacmay shilkaasi.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here