Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar iyo wafdi xildhibaanno ah oo xalay soo gaaray gaaray magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa uga qeyb-galaya kulanka siddeedaad ee Golaha Guud ee Midowga Baarlamaannada Islaamka
Xildhibaan Ibraahim Xaaji Nuur Saleebaan (Ilka-case) oo ka mid ah wafdiga barlamaaniga ah ayaa Saxaafadda u sheegay in wafdiga Soomaaliya ka socda uu shirka ka jeedin doono khudbad ku saabsan xaaladda uu marayo dalkeena Hooyo.
Ibraahin Xaaji Nuur Sulaymaan “Ilka Case” oo Waraabinta la hadlayna waxa uu yiri.
Wafdigan ayaa ka kooban toban xubnood oo isugu jira mudanayaal iyo mas’uuliyin ka tirsan qeybta hab-maamuuska baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa ka furmay maanta Magaalada Khartoum Dalka suudaan kaasoo soo gaba gaboobi doona ilaa 22-ka January.
Kulankii ugu dambeeyay ee midowga baarlamaanada Islaamka oo ay Soomaaliya Xubin ka tahay ayaa lagu qabtay dalka Malaysia bishii January ee 2012.
Midowga Baarlamaannada Islaamka waxaa la dhisay sanadkii 1999 si loo xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya baarlamaannada dalalka Islaamka iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta dalalka Islaamka ah.
Idale News Muqdisho