Daawo: Kullan Lagu Taagyeeraayo Nidaamka Abood Qiibsiga Ee 4.5 Oo Ka Dhacey Baydhabo

0
285

Baydhabo(INO) – waxa Maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Ka Dhacey Kullan Ballaaran oo ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya  laguna taagyeeraayey Hadalkii Ka Soo yeerey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden kaasoo ahaa in Doorashadda Hiigsiga 2016 lagu Soo Xulo Baaralamaka Xilligaasi Nidaamka  Abood Qiibsiga 4.5 isla markaana lagu diidinaa In Xildhibaanada Lagu Soo Xulo Degmooyinka Dalka.



Kullan ayaa waxa Ka Hadley, Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed, Kan Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dib u dajinta iyo Arimaha Jaaliyadaha  Faadumo Maxamed Abuukar,Odayaasha Dhaqanka iyo Xildhibaan Sareedo oo ka tirsan Baarlamanka  Dowlada Federalka Ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Bay, ayaa sheegey Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya aysan  marnaba u cuntomeynin habka Degmooyinka taasoo uu sheegey in dulmi weyn ay tahay isla markaana waxa uu intaa ku raacey in Degmooyinka tiro badan oo Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay lahaayeen isku sumadeeyey Maamulka Jubba haddana ay dooneynayaan inay  ka soo galaan Baarlamanka Soomaaliya.

“Nidaamka 4.5 ayaan rabnaa ilaa laga gaaraayo waqti kale oo sidan dhaanto, oo dadka gobolada la tirakoobo, Gobolada koonfur Galbeed Soomaaliya waa kuwo ugu Dadka tira Badan Gobolada Dalka hadda Dadkii Degmooyinkooda ayaa loo diidey in ay matalaan Dad kale ayaa iska sheegtey, hadana ay dul doonayaan inay xalaaleystaan, nidaamka Degooyinka waa xaaraam, Umad ayaa dulkeeda la boobayaan “ayuu yiri Gudoomiye LFC.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa xusey in ay jiraan sadburisyo ay doonayaan inay sameeyaan Maamulada Puntland iyo Jubba oo isku baheysanaya  qaab beeleed  isla markaana ay u ololeynayaan in doorashada Hiigsiga 2016 lagu saleeyo Degmooyinka, isla markaana waxa  uu hoosta ka xariiqey in  Nidaamnka Abood Qiibsiga Ee 4.5 ayuu yahay habka ugu wanaagsan  ayna isku fahmi karaan umadda Soomaaliyeed waxa uu ka digey in laga tilaabso Sharcigaasi.

“Sadbursiyo ay sameeysey Dowladii hore Soomaaliya ayaa weli la raba in soomaaliya laga sii wado Meel u dhexeyso 100KM oo ku noolyihiin 4000 qof ayaa leh 5 Degmo , Meel ku nool 4000 qof oo u dhexeyso 100 KM ayaa leh 1 Degmo taasi cadaalad ma ahan, inta laga gaaraayo Hal qof iyo cod waxaan rabnaa Nidaamka 4.5 oo hal u ah Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha Gobolka Bay.

Kullan ayaa waxa sidoo kale ka Hadley Gudoomiyaha Gobolka Bay C/laahi Cali Watiin isagoona ku dheeraadey Taagyeerada Nidaamka 4.5, Waxa uu ka digey in la burburiyo habkaasi.

Ugu damebyntii, Maamul Goboleedyada dalka Ka jira iyo Dowlada Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan nooca doorasho oo ay ka dhici karto Dalka Soomaaliya Sanadka 2016, iyadoona  Maamulada Puntland iyo Jubba ay doonayaan in lagu saleeyo Degmooyinka, hase yeeshe arintaasi waxa gaashanka u daruurtey Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo  Weliba Gal-Mudug.

Kullan lagu taagyeerayo 4.5

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here