Marka(INO)— Xiisado dagaal ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo saddexdii sano ee u dambeeyay ay ragaadiyeen dagaal beeleedyo.
Dagaalo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa shalay iyo maanta ka dhacay magaalada Marka, kaasoo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in labadii maleeshiyo ee dagaalamay ay wali isku hor fadhiyaan gudaha magaalada, waxaana laga cabsi qabaa in mar kasta xabada ka dhex bilaabato.
Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dhaq dhaqaaqa magaalada uu yahay mid gaabis ah, isla markaana xiisada magaalada ka jira uu saameeyay.
Waxaa magaalada ka jiray barakac ay sameynayeen shacabka, kuwaasoo u qaxay deegaanada ku dhow dhow Marka, si ay uga nabad galaan rasaasta.
Xiisadaha dagaal ee ka soo cusboonaaday magaalada Marka ayaa wali ka hadlin dowladda Federaalka, iyadoo labadii sano ee u dambeysay magaaladaas ay booqasho ku kala tageen Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaarayaashii hore Saacid iyo C/wali Sheekh Axmed.
Ma jirto illaa iyo hada cid kala dhex gashay maleeshiyooyinka dagaalamay, waxaana magaalada duleedkeeda saldhig milateri ku leh Ciidamada AMISOM.
Xaalada magaalada Marka ayaa sanadihii u dambeeyay aheyd mid aan deganeyn, iyadoo dhowr jeer ay dagaalo ku soo laabteen, waxaana jiray heshiisyo nabadeed oo la kala dhex dhigay beelaha, kaasoo aan si rasmi ah u dhaqan gelin, tiro dhowr jeer uu bur bur ku yimid.
Idale News Online, Marka