Dhageyso: Xildhibaan Ka Tirsan BFS Oo Weerarey Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka

0
223

Muqdisho(INO)- Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliil usoo jeediyay madaxda maamul goboleedyada iyo masuuliyiinta dowlada Soomaaaliya oo maalmihii ugu dambeeyay shirar ku lahaa magaalada Muqdisho.

Madaxda Maamul gobleedyada dalka

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in sharci daro ay ahaayeen shirarkii ugu dambeeyay ee looga hadlayay arimaha doorashooyinka ee ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale sharci daro ku tilmaamay madasha ay ku midoobeen madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada Soomaaliya oo lagu daray qaar kamid ah ururada bulshada rayidka ee madasha wadatashiga qaran.

Xildhibaan Goodir wuxuu sheegay in madashaasi ay ka shaqeyneyso arimo aysan shaqo ku laheyn oo ah doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya sanadka soo socdo.

“Doorasho rasmi ah ma dhici karto ayaa horey loo jiray sharuuc ayaa jirta, sababtoo ah baarlamaanka waxaa uu ansixiyay gudiga doorashooyinka, laakiin gudiga waxba lagalama tashan”

“Madasha wadatashiga ma ahan wax dastuuri ah oo baarlamaanka uu ansixiyay waa shirar aan sharciga waafaqsaneyn waxay madaxweynayaasha sameynayaan, waxayna marin habaabin kartaa doorashada 2016”ayuu yiri Goodir.

Halkan Ka Dhageyso

 Idale News Online, Mudisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here