Baydhabo(INO)- Godoomiye ku xigeenka Dhanka siyaasada Ee Maamulka gobolka Bay Yuunis Aadan Xasan, godoomiye kuxigeenka arimaha bulshada Degmada Baydhabo mukhtaar sharma arke Cabdi (garas) & wakiilka Hay’ada IOM ,Gudoomiyaha samafalka Gobolka Bay Cabdi qaadir ayaa maanta shaqo kormeero kumarey xarooyinka qaxootiyada Ee Degmada Baydhabo .
Maamulka ayaa go’ aansadeen in loo kala hor mariyo sida ay ukala daranyihiina waxayna maanta soo afjareen kormeer ay todobaadkan ay ku jireen waxeyna kormeereen dhamaan xarooyinka qaxootiga oo dhan.
Intii kormeerka ay ku jirneen waxay la kulaneen qaxooti cusub oo kasoobarra kacey Gobolka Bakool hoy ay ku hoydaan xataa aysan haysanin kadib markii ay arkeen in ay dhibaateysanyihiin xili roobaadna lagu jiro Gudoomiyaasha Maamulka Waxay go’ aan sadeen in gargaarka ayaga lagu bilaabo.
kadib markii kormeer kooda dhamaadey ayaa waxaa saxaafada lahadley godoomiye ku xigeenka Gobolka Bay Yuunis Aadan Xasan
“lama joojindoono kormeerka kamana daaleyno shaqada inta ay misaakiintaan dhibaateysanyihiina kama fadhiisandoono ilbaab walba ayaan u gagaraaci doonaa sida loo kala daranyahay ayaan wax ugaarsiineynaa cid dhibaateysanna lagama tagidoono cidna lama dulmin doono ogaada” ayuu yiri Gudoomiyaha.
Ugu damebyntii, Degmada Baydhabo waxa ku yaalla Kaamam Badan oo ay ku jiraan Dad Barakacyaal ah kuwaasoo ay kala yimaadeen Xerooyinka Dalka Kenya, Doollow iyo Dalka Yemen.
Maxamed C/fataah , Idale News Online, Baydhabo