Baydhabo(INO)- Munaasabad ballaaran oo loogu baroor diiqadayey wariyaal ka tirsan koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dad weyne fara badan oo lagu diley laguna dhaawacey labo weerar oo ismiidaan ahaa kuwaasoo ay ku beegnaayeen 5th Dec 2014 oo ka dhacey Maqaaxida Barwaaqo Ee dhabar ku hayso xarunta Dahabshiil ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa Maanta lagu qabtey Hoolka Shirarka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Munaasabada ayaa waxa ka soo qiib galey Wasiiro ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maamulka Gobolka Bay, iyo Kan Degmada Baydhabo, Odayaasha Dhaqanka, Saraakiisha Ciidanka.Uurka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee (SOWEJA), Ururka Haweenka Ee Degmada Baydhabo iyo Marti sharaf kale.
Munaasabada Baroordiiqa ahayd isla markaaana lagu xasuusanayey waxqabadka Wariyaasha lagu diley Weerarkaasi ayaa waxa ka Hadley, Wasiirka Hubka dhigista , dhaqan celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshadda Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin, Taliyaha Ku Xigeenka Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Isaaq Caracase, Xoghayaha Ururka Suxufiyiinka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee (SOWEJA) Maxamuud Maxamed Khayre iyo Afhayeenka Gollaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Malaaq Deerow Yacquub.
Dhamaan Mas’uuliyiintii ka hadashey Munaasabadda Boorar diiqa ayaa waxay si weyn u cambaariyeen waxyeelada Bareerka ah ee loo gaysanaayo Wariyaashadda Soomaaaliyeed Gaar ahaan kuwo Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna sido kale ka tacsiyeeyeen dilkii wariye Hindiya Xaaji Maxamed Oo Gaarigeeda Bam looga xirey ku dhumey Gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya isla markana ka mid ahayd Wariyaasha Ka Soojeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya lana shaqeyneysey TV-ga iyo Radio-yaha Dowlada Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Ayaa inta badan waxay Beegsashada iyo ku xad gudubka Xaquuqada wariyaasha ay ku eedayeen in ay ka dambeeyso Kooxda Mayalka adage e Soomaalida Al-shabaab Ee Soomaaliya ka dagaalanta, isla marakaana waxay Hoosta Ka Xariiqeen in kooxdaasi ciidii aysan qabin Fikirkooda ay dilayso, waxayna wasaaraddaha Amniga iyo tan Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u baaqeen in ay ka warqabaan Amaanka iyo Daryeelka Wariyaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoona Xusey in Wariyaasha Koofur Galbeed Soomaaliya ay ku shaqeeyaan Xaalado adag isla markaana loo baahan in mar weliba lala shaqeeyo Wariyaasha.
Si kastaba ha ahaatee 5th Dec 2014 Ee Sanadkii tagey Waxay ahayd Maalin Mogdi ah isla markaana, waxa Degmada Baydhabo lagu diley dad fara badan oo aan waxba galabsan oo ay mid ahaayeen Wariye C/qaadir Maaynood oo u shaqeyn jirey Idaacado Gudaha Dalka Ku yaallo iyo TV-ga Somalichanell iyo Weliba Wariye C/qaadir Barre oo ahaa Sawir Qaade u shaqeynayey TV-ga Kalsan, waxa Sidoo kale wareerkaasi dhaawacyo halis ah ka soo gaarey Wariye C/qaadir Xasan iyo C/qaadir Jookar.
Horaantii Sanadkan waxa Gurigiisa Ku yaalla Xaafadda Berdaale Ee Baydhabo lagu diley Wariye Da’uud Cali Cumar iyo Xaaskiisa, oo ka hawlgali jirey Radio Baydhabo iyagoona aan waxba Galabsan,Labadii sano Ee Ugu dambeeyey waxaa La Diley 4 wariye oo ka soojeedaan KG Soomaaliya.
Ugu dameyntii, Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay wadamada ugu horeeya ee Aduunka waxyeelo looga geysto Suxufiyiinta isla markaana Beesghada iyo Tacadiyadda lagula kacoWariyaasha ayaa ah falka dambiyeed weyn kaasoo ka soo horjeeda Xeerka Caalmiga ah Ee Geneva.
Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhab