Daawo:Xildhibaan Sareedo: “Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya Waxay Isku Raaceen Hanaanka Abood Qiibsiga 4.5”

0
253

Baydhabo(INO)-Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Ee Dowlada Federalka Ee Soomaaliya isla markaaana ka Soojeeda Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Maanta ka Qiib Gashey Shir looga Hadleeyey Hiigsiga sanadka 2016 oo ay Soo qaban Qaabisey Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul insaanka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Ka dhacdey Gudaha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ka Hadashey Mowqifka Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaaliya ee Hiigsiga 2016.

xildhibaan

Xildhibaan Sareedo ayaa sheegtey in Gabdhaha Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay Maanta ka Doodeen 4 qobob oo ay ka mid ahaayeen hanaanka Doorasho iyo Aboodi Qiibsiga Sanadka 2016, Xilligaasi oo dalka Soomaaliya la filaayo inay ka dhacdo doorasho lagu kala baxo isla markaana Goob joog ka ahaan doonaan Beesha Caalamaka, waxayna Xustey in Fekrado kala Duwan laga Aruuriyey Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Maanta Ka Qiib galayey Shir Looga Hadlaayey Hiigsiga.

“Mar hadii aysan dhici Karin doorsho ah Qof iyo Codkiisa, Hadaba Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxay isku raaceen in Abood Qiibsiga  uu ahaado 4.5, Dadkan Koonfur Galbeed Soomaaliya waa Kuwo ugu tirada badan Koonfurta iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, hadana waxa Loo diidey In Degmooyinkooda ay Sheegtaan oo ayna ka soo galaan, inta laga gaarayo Waqti kale oo Cadaalad leh,hadii aynu nahay Haweenka KG Soomaaliya waxaan 100% aynu taagyeersanahay Hanaanka Abood qiibsiga 4.5” ayay tiri Xildhibaan Sareero

Sidoo kale Xildhibaan Sareedo ayaa ku baaqdey in Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya laga Qiib Galiyo Haweenka KG Soomaliya isla markaana Si cadaalad ah Loo siyo Saamigooda, waxay kale intaaso ku dartey in Mar weliba ay u taagan tahay soo dhicista Xaquuqda Haweenka Soomaaliyeed, iyadoona Haweenka KG Soomaaliya ugu Baaqdey in ay Ka Qiib qaataan Siyaasada iyo Dib u dhiska Dalka.

“Waa in la siyaan Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya Saamigooda Xildhibaanimada ay ka leeyihiin Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaa ugu baaqaya Habdhaha KGS inay midnimo iyo firfircooni ay muujiyaan” ayey Mar kale tiri Xildhibaab Sareedo

Ugu dambeyntii,  Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Shacabka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa diidan Hanaanka Xulista Baarlamanka Soomaaliya Ee Sanadka 2016 in lagu saleeyo Degmooyinka Maamul Goboleedyada Soomaaliya, isla markaana waxay isku raaceen in abood Qiibsiga uu ahaado Qaabka 4.5, ilaa iyo tira koob rasmi ah laga helaayo Beelaha iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here