Garowe(INO)-Waxaa Goordhow Xabsi ku yaala Magaalada Garowe laga siidaayay Suxufiga Jaamac Yuusuf Jaamac Deperaani Oo 10 Bari ku xirnaa Halkaasi,
Sii deynta Jaamac ayaa waxaa da’daal Ugalay Ururka Saxafiyiinta Puntland Ee MAP, Iyo Ururada Kale ee ka shaqeeya Xaquuqda aadanaha,
Warqada ka soo Baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal ayaa lagu amray in si deg deg ah Xabsiga looga sii daayo Wariye Jaamac Deperaani,
Tixraaca warqada oo sumadeedu aheyd XI/GN/398/2015, Waxaana La qoray 29-11-2015, iyadoona sidoo kale lagu xusay in warqadaan ay ka soo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal, Waxaana lagu sheegay sidoo kale in Si deg deg ah Xabsiga Looga sii daayo Wariye Jaamac Deperaani Oo U Shaqeeya Tv-ga Somali Chennal.
Waxaa Ku saxiixnaa Warqada sii deynta wariyaha, Gudoomiyaha Maxkamadda D. 1-aad ee G/nugaal Garowe,
Wariye Jaamac deperaani oo Hadda Xabsiga laga sii daayay Ayaa muddo 10-bari ah ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee ku yaala magaaladda Garowe, iyadoo aan Ilaa hadda wax maxkamad ah la soo taagin,
Dhinaca Kale wasaaradda Xirtay Jaamac ee Warfaafinta ayaa Sheegtay inuu u xirnaa Danbi uu ka galay Jaamac Dalka iyo Dadkaba,
Ma ahana Wax cusub in Wariye La iska Xiro, Lana soo daayo isagoon wax cadaalad ah la horkeenin, iyadoo Arintaasina ay Horay u dhaceeyeen Saxaafadda Madaxabanaan.
Idale News Online,Garowe