Ururka Daacish oo Dhadhaqaaqyo Ka Wadda Dalka Soomaaliya

0
247

Garowe(INO)-Wararka naga soo gaaray magaalada garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka C/weli Gaas uu Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Militeriga iyo Nabadsugida ku amray inay wax ka bedelaan dhaqdhaqaaqyada ay bilaaben Daacishta Somalia ee ku sugan buuraaleyda Galgala.

Madaxweynaha ayaa lasoo warinayaa in Taliyayaasha uu ku amray inay Ciidamo dheeri ah geeyaan jiida dagaalka ee Galgala, waxa uuna sidoo kale amar ku bixiyay in Ciidamada ay Howlgalo joogta ah ay ka fuliyaan buuraha si aan fursad loo siinin Daacishta Somalia ee saldhigyada ka dhiganaaya Buuraha Galgala.

Ciidamada maamulka ayaa durbadiiba dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay Buuraha Galgala waxaana lasoo warinayaa inay horay u siqeen si ay ugu sii dhawaadan saldhigyada qarsoodiga ah oo ay Al-shabaab ka dhisteen Buuraha.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here