Qarax Khasaaro Sababay oo AMISOM Lagula Eegtay Marka

0
233

Marka ( INO)-Wararka naga soo gaaraya inta u dhaxeysa deegaanka Buufow iyo Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in qarax  Miino uu ka dhacay halkaas oo lala eegtay Kolonyo Ciidamada AMISOM ay la socdeen.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u culus oo laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoona uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Mid ka mid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM ayaa ku basbeelay qaraxaasi iyadoona khasaaro nafeed uu  jiro sida ilo deegaanka ay xaqiijiyeen walow aan la ogeyn xaddigeeda.

Ciidamada AMISOM ayaa markii qaraxa lala eegtay kadib rasaas  u furay afarta Jiho ee Meesha ay wax ka dhaceen iyadoona durba Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay goobta wax ka dhaceen gaareen kuwaas oo howlgallo halkaas ka billaabay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay AMISOM iyadoona anu jirin wax war ah oo la xiriira weerarkaan ay soo saareen Al Shabaab maadaama weeraro nuucaano oo kala ah horay looga bartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here