Odayaasha KGS Oo Loo Qiibiyey Foomankii Xildhibaanada Ka Mid Noqon Lahaa Baarlamanka KGS

0
220

Baydhabo(INO)-Odayaasha dhaqanka Gobolada Koonfur Galbeed  Soomaaliya gaar ahaan 45 Golaha guurtida ee uu fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ayaa shalay gelinkii dambe loo qaybiyay foomamkii xubinimada baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  si ay usoo xulaan xubnihii ka mid noqon lahaa baarlamaanka Koonfur Galbeed.

ODAYAAL

Malaaq Deerow Yacquub, afhayeenka Odayaasha DhaqanKa Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo La Hadley warbaahita  ayaa sheegey in hada bilaabeen marxaladii ugu dambeysay ee Xalusta Baarlamanka KGS.

“ Maanta waxaa na loo qiibayey Foomankii  odayaasha Ay ku soo xuli la haayeen Xubaha Baarlamanka KGS,dhawaan waxaa lagu dhawaaqaya Magacayada Xildhabaanada Baarlamanka” Ayuu yiri Malaaq Deerow

Qaybinta foomamka ayaa timid kadib markii ay dib u dhac ku timid arintaasi tiro dhowr jeer ah Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hada ay hal sano u buuxsantay ayaanan lahayn wax baarlamaan ah marka laga reebo golaha wasiirada oo iyaga qabto howsha badankeed.

Ugu dambeyntii, Maalinta Khamiista ee  soo socota  ayaa ah maalinta ugu dambeysa ee odayaasha dhaqanka looga baahanyahay inay kusoo gudbiyaan xubnihii uga midka noqon lahaa baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayada oo ay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay si xowli ah uga socoto soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Idale News Online,Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here