New-Delhi ( INO)-Dowlada hindiya ayaa sheegtay in Somalia ay ka caawin doonto dhinaca ammaanka badaha iyo iyo la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Somalia ee afduuba maraakiibta.
Kulan ay dhawaan ku yeesheen Magaalada New Delhi ee caasimada hindiaya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha dalka hindiya Narendra Modi ayey isku afgarteen in labada dal ay sameeyaan iskaashi ku aadan ammaanka badaha Somalia.
Ra’iisul wasaaraha dalka hindiya ayaa xusay in uu diyaar u yahay in Somalia uu ka taageero la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda oo halis ku ah ammaanka maraakiibta isticmaasha badahaasi isagoo sheegay in dhawaan Somalia uu u diri doono qubaro dhinaca badda ah si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan.
Somalia oo mudo dheer ku jirtay colaado iyo dagaalo sokeeye ayaa waxaa baddaheeda ka taagan dhibaatooyin badan oo ay ka mid ah dhinaca burcadbeednimada iyo waliba sidoo kale kaluumeysi sharci daro ah oo ay badaha Somali ka sameeyaan maraakiib shisheeye.
Warbixin dhawaan uu soo saaray machad ku yaala dalka mareykanka ayaa lagu sheegay in maraakiibta shisheeye ee ka kaluumeysta badaha Somalia ay sanadki ka faa,iidaan ilaa iyo 300,000,000 oo dollar.
Idale News Online, New Dalhi