Diyaaraddii ku burburtay G/Sh/Hoose oo la sheegay inay ka diiwaan-gashan tahay Kenya

0
226

Muqdisho(INO) — Diyaarad u kireysnayd howlgalka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] oo shalay ku dhacday dulleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegay inay ka diiwaan-gashanayd dalka Kenya.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur [Siidii] ayaa sheegay in diyaaraddu ay u dhacday hawada oo aad u xumeyd iyo roobab ka da’ayay deegaanka ay ku dhacday oo lagu magacaabo Cismaan Durre.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaaraddan oo nooceedu ahaa Dornier DO-328 ay sidday sahay ay lahaayeen ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala, waxay wakhtiga ay dhacaysay ku socotay garoonka Balli-doogle oo 110-km Koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho.

“Diyaaradu waxay ku dhacday deegaan lagu magacaabo Cismaan Durre,” ayuu yiri Siiddii, iyadoo la sheegay in diyaaradu ay kasoo duushay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.

Ma jiraan wax warbixinno ah oo sheegaya khasaaraha ka dhashay shilkan, balse warar aan la hubin ayaa sheegaya in Al-shabaab oo deegaanka ay diyaaraddani ku dhacday gacanta ku haya ay gacanta ku dhigeen 12 ruux oo shaqaale ah oo diyaaradda la socday; iyadoo aan la ogeyn dalalka ay u dhasheen shaqaalahan.

Dowladda Somalia ayaan iyaduna weli wax war ah kasoo saarin diyaaraddaan la sheegay inay sahayda u waday AMISOM ee ku dhacday gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliska AMISOM ayaan dhankooda weli ka hadlin diyaaradda, inkastoo warbixin kooban oo ay siiyeen warbaahinta qaarkeed ay ku xuseen saraakiil ka tirsan AMISOM inay ahayd diyaaradan sahayda u sidday mid aan la garanayn.

Ugu dambeyn, 12-kii bishan Oktoobar ayay ahayd markii diyaarad laga leeyahay Masar oo cunno u sidday ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ku sugan ay ku dhacday waddada u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here