Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba Oo Iska Fogaayey Eedeymo Ugu Timid Waxgaraka Degmada Buurhakaba

0
209

Buurhakaba(INO)- Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba  ayaa beeniyey eedaymo ugu timid odayaal iyo waxgarad ku shirey Magaaada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, kuwaasoo uu ku tilmaamey kuwo wada isku horkeenista Bulshadda iyo Maamulka Degmada.

“ Kuwa Idaacadaha ka  hadlaayey waxay ahaayeen kuwo doonaya inay huriyaan colaad iyo khilaaf ka dhex dhasha  Maamuulka Degmada, ma doonayaan in hor loo socodo, waxaan ugu baaqayaa inay joojiyaan Caadhifadda iyo abuurida dhibaata” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada.

Dhan kale Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa sheegey in robab badan ay ka da’een Gudaha iyo Degaanada hoostaga Degmada isla markaana ay gaysteen Khasaaro badan.

“ Buunada weyn ee Isku xirta Muqdisho iyo buurhaka waxy halis ugu jirta mudo gaaban hadii aan wax laga qaban inay Dunto, roobab xoog leh ayaa socoda, marka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, DF Soomaaliya , Hay’adaha Samafalka iyo Qurbojoogta Soomaaliyeed inay wax ka qabtaan Buundani, hadii ay dunto, waxa joogsanaya isu socodka Ganacsiga Guud Ee Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo” ayuu yiri

Ugu dambeyntii, Gudoomiya Degmada Buurhakaba Ayaa ugu baaqey Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada  in laga wada shaqeeyo horumarka iyo Geeda Socodka Nabada isla markaana xaliyo khilaafyadii Horey ay u jireen.

Idale News Online, Buurhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here