Qalalaase soo wajahay Al-shabaab Ee ka Dagaalanta Gudaha Soomaaliya

0
209

Muqdisho(INO) — Warar lagu kalsoon yahay oo naga gaaray buuralayda GOLIS ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama buurahaasi ay sheegeen iny ku biirayaan kooxda Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya. Tallaabadan waxay khilaafsan tahay mowqifka hoggaanka Al-shabaab oo weli daacad u ah urur-weynaha Al-Qaacida.

Wararka aanu ka helnay ilaha sirdoonka Soomaalida iyo dadka degaanka waxay sheegeen in maleeshiyada Al-Shabab ee ku sugan buuraha Golis ay khamiistii go’aansadeenn inay bayco ama qanadaraas diini ah la galaan hoggaamiyaha Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi. Hadalkan waxaa ku dhowaaqay Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ka tirsan culimada Al-Shabab ee ku sugan degaankaas inkastoo aanu ahayn hoggaamiyaha ururka Al-shabaab u idmatay degaankaas.

Wararka nasoo gaaraya waxay intaas ku darayaan in Sh. C/qaadir Muumin uu tallaabadan ku wargeliyey hoggaanka ugu sarreeya Xarakada Al-shabaab, balse lagu gacan sayray.

Illaa hadda, ma cadda sababaha ka dambeeya go’aankan ay kooxdaas qaateen, waxaase toddobaadyadii ugu dambeeyey soo baxayey kacdoon hoose oo ay samaynayaan xubnaha maleeshiyada darajadoodu hoosayso ee ka tirsan Al-shabaab oo doonayey in lagu biiro IS ama Daacish.

Dhinaca Koonfurta Somalia Al-shabaab waxay tallaabadan uga jawaabtay inay qabqabato qaar ka mid ah dadkaasi. Warar ku dhow Al-shabaab ayaa VOA-da u xaqiijiyey in dadka la xidhay ay ka mid yihiin Maxamed Cabdullaahi Sardheeye oo hore dhinaca xisaabaadka lacagaha ugu qaabilsanaa Al-shabaab degmada Kismaayo iyo nin kale oo lagu magacaabo Khaalid Caytamow oo ka mid ah qaybta dacwada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka.

Wararka laga helayo ilaha sirdoonka ayaa sheegaya in sidoo kale la tuhunsan yahay in xubno ka tirsanaa xarakada ay u safreen dhulka ay ka taliyaan laamaha Daacish gaar ahaan waddanka Liibiya kadibna ay kusoo laabteen dalka Somalia. Xubnahan waxaa la sheegay inuu ka mid yahay nin lagu magacaabo Aadan Xasan oo aan ilaa hadda la garaynayan meel uu ku sugan yahay balse si dhow ula shaqayn jiray garabka Al-Shabab ee buuraha Golis.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay saraakiil ka tirsan faracyada Daacish ay soo saareen cajalado muuqaal ah oo ugu baaqaya Al-shabaab inay ku biirto IS, arrintaas ilaa hadda Al-Shabab hoggaankoodu way ka dhego-furaysteen, mana cadda sida ay u saamayn doonto tallaabada ay qaadeen kooxda buuralayda Golis.

Roland Marchal oo ka tirsan Xarunta Cilmi-Baarista ee Paris oo wax ka qora arriimaha Al-Shabab ayaa shaki ka muujiyey in ay tani dhaqaajin doonto hoggaanka ururka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay inaanu fahmi Karin sida ay ay Al-Shabab ugu biiri karto Daacish xilli, ayna go’aan adag ku tahay sida ay uga bixi karaan baycada ay hore ula galeen ururka Al-Qaacida.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here