Diinsoor ( INO)-Cabdullaahi Sheekh Max’ed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Koofur Galbeed oo Warbaahinta qadka Taleefanka ugu warramay ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo u dhexeeyay Xarakada Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda KGS wuxuuna xusay in rag ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ay ku dileen dagaalka islamarkaana hub ay kaga soo furteen Kooxahaasi Al Shabaab ka tirsan sida uu hadalka u dhigay.
Sarkaalka ayaa waxa uu sidoo kale tilmaamay in deegaanka Duleedka ka ah degmada Diinsoor ay haatan gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Koofur Galbeed , xaaladda deegaankaasina ay degantahay.
Geesta kale Cabdullaahi Sheekh Max’ed oo soo hadal qaaday kulan saraakiisha Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Koofur Galbeed ay ku yeesheen degmada Diinsoor ayaa sheegay in kulankaas diiradda lagu saaray xaqiijinta ammaana iyo dar dar gelinta Howlgalka milatari ee ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab isagoo hoosta ka xariiqay in Ciidamo tababar kaga soconaya degmada Diinsoor ay dhawaan la wareegi doonaan ammaanka degmadaasi.
Hadalka Sarkaalkaan ka tirsan Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed waxa uu imaanayaa iyadoo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaabaya ay Howlgallo milatari oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab ka wadaan deegaanno iyo degmooyin dhaca Gobollada Bay iyo Bakool waxaana xusid mudan in xarakadu ay weeraro gaadmo ah iyo kuwa dhabo gal ah oo mararka qaar khasaaro ka dhasho ay ku qaadaan Ciidamada iskaashanaya ee Howlgalladaas wada.