Baydhabo(INO)-Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtay in wadada xiriirisa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo Degmada Baydhabo ay qatar ugu jirto iney gabi ahaanba gooyaan daadad xoog leh oo ka dhashay roobab lixaad leh oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayey deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed.
Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed C/qaadir Maxamed Cashar Nadaara ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah oo maalmihan ka da’ayey gobolada Bay iyo Bakool ay sababeen iney halis u gasho iney gabi ahaanba go’do wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo.
Ugu dambeyntii, Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka iney gurmad u fidiyaan shacabka ku waxyeeloobay roobabka ka da’ay deegaanada Koonfur Galbeed,wuxuuna dhanka kale sheegay in cudurka shuban biyoodku uu ka dillaaca magaalada Baydhabo.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo