Daawo:Ciidamo Gaar Ah Oo Loo Tababaraayo Degmooyinka G/Sh/Hoose Oo Gaarey Baydhabo

0
240

Baydhabo(INO)-Waxa Maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobalka Bay soo gaarey in ka badan  200 Ciidamo oo Boolis ah  isla markaana la doonayo in  loo tababaro Gobalka Shabellaha Hoose kana yimid degmoyinka Gobalka oo dhan .

Hawshan oo ay wadaan Wadamada Ururka Midowga yurub isla markaana qorshahana waxa uu yahay in degmo kasta oo G/Sh/ Hoose loo tababaro 25 Boolis ah kuwaasoo ay ka mid noqdaan 300 Darwiish loo tababaraayo Degmo kasta  oo Ku yaalla Gobolka Shabellaha Hoose

Heshiiskan ayaa ah mid  Dowlda Federalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo AMISOM  ay kala sixiixdeen si degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose  ay u nabadeeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, Waa markii ugu horeysey oo Ciidamo u gaar ah loo sameeyey Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose, tan iyo markii la dhisay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoona Gobolkaasi Degmooyin ka tirsan ay isaga Baxeen Ciidamada Nabad ilaalinta midowga Afrika Ee Soomaaliya Ee AMISOM Ka dib markii ay culeys Weyn kaga yimi Dagaalamiyaasha kooxda Al-shabaab.

Siyaasiyiinta,Waxgaradka iyo Salaadiinta ka soojeeda Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay  horey  ugu dhawaajiyeen in la dhiso Ciidamo suga amaanka Gobolka Shabellaha hoose , si looga Baaqdo ciidamo DF Soomaalia ka soo direyso magaalada Muqdisho ,kuwaaso inta badan lagu eedeyo inay dhigtaan  Isbaarooyin.

Ugu dambeyntii, Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dooneysa inay tayeyso Ciidamada Booliska Iyo darawiishta Ee Ka Hawlgalo Degmooyinka isla markaana waxaa horey loo tababarey ciidamo badan kuwaasoo qiib ka qaatey sugi amaanka qiibo ka mid ah Degaanada Iyo Degmooyinka Goboladda KGS.

Halkan Ka Daaawo

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here