Geel duurjoog ah oo lagu qiyaaso milyan ayaa ku nool dalka Australia. Dowlada Australia ayaa soo saartay sharci cusub oo dhigaya in sadax meelood meel la laayo Geela kunool Australia iyadoo sharcigan loo cuskaday in Geelu uu khatar kuyahay dhul beereedka iyo Beey’ada.
Sharcigan ayaa durna dhaqan galay waxaana bilaabatay in helikobtaro loo diro duurka hawadana laga toogtu Geela.Nin ganacsada ah oo u dhashay dalka Qadar laguna magacaabo Ali Sultan Al Hajri ayaa arintan aad uga xumaaday wuxuuna is barbardhigay qiimaha Geelu uu ka leeyahay dunida muslimka gaar ahaan dalalka Carbeed iyo sida loogu ciyaariyo wuxuuna go’aansaday in arintaas uu wax ka qabto.
Barnaamij aad u xiisa badan oo arintan ku saabsan halkan hoose ka daawo:
Daawo reer Mandheera sida caanaha geelaha ay uga tanaadeen: