Shirar Iska Soo Horjeeda Oo Si Xooli Uga Socda Magaalada Muqdisho

0
247

Muqdisho(INO)-Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka ka socda kulamo iska soo horjeeda oo u dhexeeya garabyada iska soo horjeeda ee ka tirsan BF Somalia.

Xildhibaano_muqdisho_ku_shiray_5

Kulamada ayaa waxa uu si gaar ah ugu dhexeeyaa Xildhibaanada mucaaradsan Xassan Sheekh iyo kuwa muxaafidka oo dhinac ah.

Xildhibaanada diidan  Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa iyagu ka tashanaaya sidii ay u hirgalin lahaayen mowqifkooda ku aadan riditaanka Madaxweynaha, halka garabka kale ay iyaguna wadaan kulamo lagu dabiibaayo Mooshinka ka dhanka ah Xassan.

Mooshin wadayaasha diidan Xassan ayaa wali ku adkeysanaaya Mowqifkooda, iyaga oo iminkana wada kulamo lagu sii xoojinaayo Mooshinka raagay, waxa ayna saadaashu tahay mid hir galkeedu uu muddo ka dhiman yahay.

Kulamada ugu awooda badan ayaa waxa uu ka kala socdaa Hoteelada Xayaat, City Plaza iyo Makka al-mukarama.

Gudoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa isagu jahwareer ka heysta xal u raadinta Mooshinka, waxa uuna iminka ka shaleynayaa go’aankii ugu danbeeyay ee uu ku degdegay kaasi oo soo cusbooneysiiyay Mooshinka.

Prof. Jawaari oo raali galinaayo  Madaxweynaha Dowladda DFS Xassan Sheekh ayaa Xildhibaanada ugu tunka weyn garabka Mooshinka wada u ballanqaaday dhaqaale adag, hayeeshee waxaa taasi ku gacanseeray Xildhibaanada oo iyagu ay u cadahay Mowqifkooda.

Ugu Dambeyntii, Lama xaqiijin karo natiijooyinka kasoo baxay kulamada iska soo horjeeda ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho

Email: Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here