Muqdisho(INO)-Binti Ibraahim Cali Wasiir ku xigeenka Wasaarada Haweenka Iyo Xaquuqul insaanka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaliya oo la hadashay Warbaahinta ayaa Sheegtey in Odiyaasha soo xulaya Xildhibaanada ay yeelanayso Dowladda KGS iney ku daraan kaalinta Haweenka isala markaana ay muujiyaan doorka Haweeka ay ku leeyihiin Baarlamaankaasi.
Waxay sidoo kale sheegtay in ay muhiim tahay in la muujiyo doorka haweenka Soomaaliyeed, waxayna tilmaantay in ay ku dadaalayaan ka wasaarad ahaan iney arrintaan qeyb weyn ka qaataan.
Odiyaasha dhaqanka ee soo xulayo Xildhibaanada ayay sidoo kale ugu baaqday ineysan lacag ku badelan kuraasta Haweenka ee ay ku leeyihiin Baarlamaankaasi.
Ugu Dambeyntii, Madaxda Dowladda Koonfur galbeed iyo Odiyaasha dhaqanka ayaa dadaal ugu jira soo xuslista Xildhibaanada ka mid noqonaya Baarlamaanka Dowlada KG Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com