Dhageyso:Wefdi ka socda Dowladda koonfur Galbeed oo Booqaday Buurhakaba

0
307

Baydhabo(INO)-Mas’uuliyiinta maalintii labaad ku sugan degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa waxaa u hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya  C/raxmaan Sate  Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi LFC, Wasiirka  Hub ka dhigista, Dhaqan celinta iyo tababaradda Maleeshiyaadka Ee KGS Xasan Xuseen Maxamed Xasan (Xasan Eelaay) waxaana kamid xubno ka socda hey’adaha samafalka ee ka howlgala gobolka Bay.

xasan eelaay

U jeedada xubnahan  ay u tageen Degmda Buurhakaba ayaa waxaa kamid ah sidii maamul cusub loogu sameyn lahaa degmada iyo u kuurgelida xaaladaha nolaleed ee ka jira Buurhakabo maadaama halkaasi uusan ka jirin adeegyada aas aasiga ah ee sida waxbarashada, caafimaad iyo biyaha nadiifka ah iyo Sidoo kale xalinta shaqaaqado kadhex dhacey Ciidamo ka wada  tirsan KG Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Degmada Buurhakaba ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka muddooyinkii dambe ay ka soo yeereysay qeylo dhaan ku aadan biyo la’aan ka jirta waxaana mas’uuliyiintan ay sheegeen in dhibaatada heysata dadka ku dhaqan degmadaasi ay wax ka qaban doonaan.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here