Madaxweynaha KGS oo si Adag Ugu Gacan Seeray Qorshe iyo Damac Ay Wadatay Beesha Ogaadeen

0
230

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha  Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa diiday dalab ka yimid beelo gadoodsan oo sheegay inay degaan saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Bakool, kuwaasoo sheegay inay ka baxayaan Dowladda  Koonfur Galbeed ama loo kordhiyo tirada xildhibaanada ay ku yeelanayaan Baarlamaanka KGS.

Shariif

Waanwaan u socotay labada dhinac ayaa lagu kala tegay markii  Madaxweyne Shariif Xasan ku adkeystay inuusan Beesha Ogaadeen u heynin xubno ka badan intii uu hore ugu qoondeeyay degmada Ceelbarde, wuxuuna si cad ugu sheegay inay xor u yihiin degaanada ay ku leeyihiin inay ku darsadaan ciddii ay doonayaan.

Olole ay bilaabeen xildhibano kasoo jeeda Beesha Ogaadeen iyo siyaasiyiin ayaa weli ka socda gobolka Bakool qeybo ka mida iyadoo laga soo abaabulay magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii  Madaxweynaha Dowladda KG Soomaaliya ,Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la siiyay 10 xubnood si uu ugu xaliyo beelaha cabanaya ee aan nabad-doonada ku lahayn sadexda gobol.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here