Muqdisho(INO) — Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Koonfur-galbeed Somalia Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa gaaray Muqdisho, iyadoo Mas’uuliyiin ka tirsan Wafdigiisa ay Sheegeen inay ku Wajahan yihiin Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in magaalada Baraawe oo horay uu maamulku sheegay inay tahay xaruntooda uu ka furo mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha Garoon diyaaradeed iyo Deked cusub.
Xubnaha Wafdiga Madaxweynaha Dowladdda Koonfur-galbeed ee Somalia ayaa waxaa ka mid ah; wasiiro ka tirsan Maamulkiisa & Qaar ka mid ah Xubno ka tirsan Koonfur-galbeed.
“Booqashada aan ku tagayno Degmada Baraawe waa sidii Madaxweynuhu uu Xarigga uga soo jari lahaa Mashaariic horumarineed oo beesha Calaamku ay ku taageerayso maamulka, kuwaasoo ay ka mid yihiin Deked iyo Garoon Cusub,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid wafdiga Shariif Xasan.
Madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo Wafdigiisa ayaa waxaa berri oo Arbaco ah ka qaadi doona Muqdisho diyaaradaha ciidamada AMISOM, waxaana sidoo kale la socda Shariif Xasan Qaar ka mid ah ilaaladiisa Gaarka ah.
Safarka uu Shariif Xasan ku tagayo Baraawe ayaa kusoo beegmaya Xilli Maalintii shalay ahayd uu booqday Degmada Bardaale ee Gobolka Bay, Halkaasoo uu Kulammo kula soo Qaatay Saraakiisha Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.
Ugu dambeyn, Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa Waxay ka mid ahayd Degmooyinkii ay Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Midowga Afrika kala Wareegeen Al-shabaab Dhamaadkii Sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-ka.
Idale News Online, Muqdisho