Ururka Talibaan Oo Doortey Hogaamiye Cusub, Ka dib Geeradii Mullah Cumar

0
288

Kabul(INO)— Ururka Taliban ayaa hogaamiye cusub doortay, kadib markii la xaqiijiyay geeridii Mullah Omar oo warar jahwareer dhaliyay ay ka soo baxayeen.

mullah

Hogaamiyaha cusub ayaa waxaa loo doortay Mullah Akhtar Mansoor, sida ay ilo wareedyo ka tirsan Taliban u xaqiijiyeen Telefishinka Al-Jazeera.

Warka ku saabsanaa geerida Mullah Omar waxaa shaacisay dowladda Afghanistan, waxaana marar badan soo baxay warar is burinayay.

Mullah Omar ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday sanadkii 2013 Isbitaal ku yaalla magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Illaa iyo hada si rasmi ah Taliban uma shaacin Hogaamiyaha cusub ee ay doorteen Ururka Taliban, laakiin hogaamiye ka tirsan Taliban oo ku sugnaa kulankii lagu dooranayay Hogaamiyaha cusub ayaa u xaqiijiyay Wakaalada wararka ee Reuters

Wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu doortay hogaamiyaha cusub uu ka dhacay magaalada Quetta ee ka tirsan dalka Pakistan.

Mansoor ayaa sidoo kale ahaa hogaamiyaha labaad ee Taliban ee ku xigan Mullah Omar.

Sidoo kale Hogaamiyaha cusub ayaa door ku lahaa dhaq dhaqaaqa Taliban, waxaana uu mar soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Kandahar, ka hor inta aysan Mareykanka ku duulin Afghanistan.

Dowladda Afghanistan ayaa maalintii Arbacadii xaqiijisay inuu gereiyooday Hogaamiyihii Taliban Mullah Cumar muddo haatan laga joogo labo sano.

Idale News Online, Kabul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here