Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaarey Magaalada Kismaayo

0
223

Kismaayo(INO)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow oo maanta waxaa uu tagay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbadda Hoose.

Ujeedka ugu weyn ee booqashadan waxaa lugu sheegay madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud inuu doonayo maamulka Jubba inuu ku qanciyo ka qayb-galka shirka wada-tashiga dowladdiisa iyo maamul Goboleedyada ee Muqdisho ka dhacaya marka la gaaro dhammaadka bishan.

Maamulka Jubba waxuu sheegay inuu xiriirka u jaray dowladda muqdisho, lamana saadalin karo safarka Xasan Sheekh inuu wax ka badalo khilafka.

Jubba waxaa ay ka carootay diidmada Baarlamaanka Federaalka ee qabka loo maray dhismaha Wakiilada Jubba, balse xilligan Madaxweyne Xasan ayaa doonaya Jubba inay ka qayb-gasho shirka wada-tashiga ee ka dhacaya Muqdisho.

Wada-tashiga dowladda muqdisho iyo maamullada kala ah, Puntland, Jubba iyo Maamulka KGS waa mid lugu falan-qeeyo xaaladda dalka iyo tabashadda maamullada ee dowladda Federalka Ee Soomaaliya.

Qorshaha waxuu yahay marka la gaaro 29 July 2015 oo ay maalmo ka dhiman-yihiin shirka wada-tashiga ah inuu ka dhaco Muqdisho, balse ka hor waxaa laga doonaya dowladda Soomaaliya inay ku qanciso Puntland iyo Jubba shirka inay ka soo qayb-galaan.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here