Cabudwaaqo(INO)— Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa kula kulmay degmada Caabudwaaq odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala bulshada, isagoo kala hadlay sidii xasilooni iyo degenaansho loogu soo dabaali lahaayeen deegaanka.
Socdaalka Wasiirka uu ku tagay Caabudwaaq ayaa qeyb ka ah dadaalo uu ku doonayo in lagu xaliyo xiisado ka taagan degmada oo u dhaxeeyay ciidamo deegaanka ah iyo ciidamada Ahlusuna oo iska hor imaad uu dhex maray.
Wasiir Diini ayaa ugu baaqay dhinacyada inay joojiyaan wax kasta oo ka hor imaanaya nabadgelyada, waxaana uu sidoo kale ugu baaqay Culumaa’udiinka Ahlusuna inay ku soo biiraan maamulka Galmudug
Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in Culumaa’udiinka Ahlusuna looga baahan yahay in wax kasta ay wada hadal ku dhameeyaan, isla markaana ay ka baaqsadaan dagaal sida uu yiri.
Ciidamo taabacsan Ahlusuna ayaa la wareegay saldhiga degmada Caabudwaaq, iyadoo iska hor imaad ka dhacay halkaas ay ku dhinteen labo ruux.