Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in AMISOM ay ku balan furtey welina ay degan garoonka Stadium Muqdisho

0
206

Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa walaac ballaaran ka muujiyey kusii sugnaanshaha ciidamada Amisom garoonka Kubada Cagta ee Stadium Muqdisho oo haatan ah Fariisin ciidan oo ay ku suganyihiin ciidamada Amisom.

Xoghaya xiriirka kubada cagta dalka Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab oo la hadlayey Saxaafada ayaa sheegay iney aad uga xunyihiin  in ciidanka  Amisom ay ku sii sugnaadaan garoonka kubada cagta ee ugu weyn dalka Soomaaliya ee Stadium Muqdisho kaas oo mudooyinkii danbe fariisin u ahaa ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee kusugan dalka Soomaaliya.

C/qani oo ka hadlayey walaaciisa ku saabsan arintaas ayaa sheegay in Amisom ay hore u shaacisay iney ka bixi  doonto garoonka 27 Bishan aynu ku jirno oo shalay ku beegneed wuxuuna sheegay in wali ciidanka Amisom ay ku suganyihiin garoonka, isagoona intaa ku daray in xitaa ciidanka Amisom uusan ka muuqan dhaqdhaqaaq  muujinaya iney damacsanyihiin iney ka guuraan garoonka kubada cagta ee magaalada Muqdisho.


Xoghaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubada  cagta ayaa ugu baaqay  ciidamada Amisom iney si deg deg ah uga baxaan garoonkaas oo uu sheegay inuusan ahayn goob milateri ,wuxuuna sidoo kale ka codsaday madaxda ugu Sareysa dalka iney soo fara galiyaan arinkaas Amisomne ay ku amraan iney ka baxaan garoonka Stadium Muqdisho oo uu ku tilmaamay inuu yahay goob loogu tala galay in lagu qabto ciyaaraha dalka iyo kuwa caalamiga ah sidaas darteedna ay waajib tahay in laga saaro ciidamada xiligan ku sugna garoonkaas.

Sidoo kale qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee xiiseeya isboortiga ayaa iyagune muujiyey sida ay uga niyad xunyihiin in Amisom ay wali kusugantahay gudaha garoonkaas, waxayna sheegeen in hada aysan haysan garoono ku haboon oo ay kubada cagta ku ciyaaraan waxayna ka dalbadeen dowlada cusub ee Soomaaliya iney arintaas il gaara ku hayso maadaama uu isboortigu ka mid yahay waxyaabaha lagu hor mariyo nabada iyo isdhexgalka bulshada, waxayna ku celceliyeen baaaqa ay u jeedinayaan Ciidamada Amisom ee ku aadan iney iskaga baxaaan garoonka Stadium Muqdisho oo hada ay ku suganyihiin.

Dgalinyarada qaar oo dareenkooda muujinaya ayaa shaagay in halkii Amisom looga fadhiyey iney garoonka ka baxaan ay hada ka dhisanayaan gudaha garoonka guryo cusub taas oo muujineysay in Amisom aysan  ku talo jirin ka bixitaanka garoonka.

Garoonka Kubada cagta ee Stadium Muqdisho oo ah garoonka ugu weyn ee dalka Soomaaliya ayna ku dhan yihiin dhamaan qeybaha  isboortiga ayaa xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed  waxa uu hoosta ka xariiqay in hadii ciidanka Amisom ay tixgalin waayaan baaqyada ay u jeedinayaan iney abaabuli doonaan dhalinyarada Magaalada Muqdisho oo dhigi doona Kacdoon ay ku diidanyihiin ku sugnaanshaha Amisom ee gudaha Garoonka Stadium Muqdisho ilaa ay ku qasbaan iney ka saaraan garoonka Stadium Muqdisho