Wasiirka Maaliyada oo dib loogu celiyey Miisaaniyada 2013

0
230

Barlamaanka Soomaaliya oo maanta dood kulul ka yeeshey ansixinta miisaaniyada ay soo diyaarisey Wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta uuna  joobjoog ka ahaa wasiirka wasaarada mudane Cawil ayaa codka kalsoonida u diidey miisaaniyada ay dowlada ku shaqeyn doonta sanadka cusub ee 2013

Kulanka baarlamaanka  ayaa maanta waxaa soo xaadiray  154 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulankaan uu ahaa mid daba socday kulamo ay maalmahaan lahaayeen xildhibaanada.


Qaybtii hore ee kulanka ayaa wuxuu ku bilowday dood waxaana mudanayaasha baarlamaanka qaarkood ay ka hadleen aragtiyadooda ku aadan miisaaniyada maaliyada ee xukuumada ay ku shaqaynayso 2013.

Intaasi ka dib Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” waxaa mudanayaasha ka codsaday in ay meel mariyaan miisaanida maaliyada isla markaana codaka kalsoonida loo qaado.

Kulanka barlamaanka oo ay maanta ka soo qeybgaleen 164 xildhibaan, ayaa Codeyn loo qaadey markii ay doodu dhamaatey waxaa OGOL ugu codeystey 54 xildhibaan, waxaa DIIDMO kala hor yimid 70 mudane, halka 30 xildhibaan oo markii hore joogey furitaanka kulankii maanta ay dibada uga baxeen intii dooduhu socdeen oo dib uma soo xaadirin ansixinta kulanka.

Natiijada ka dib ayaa Afhayeenka barlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Cismaan Jawaari sheegey sida uuu sharcigu qabo in wasaarada Maaliyada looga baahan yahay in ay dib u habeyn iyo wax ka bedel ku sameyso miisaaniyada muddo ku siman  cisho gudahood ka dibna ay barlamaanka dib ugu soo celiso si codka kalsoonida mar kale loogu qaado.

Idale News Muqdisho