DEG DEG: Dagaal Culus Oo Caawa Ka Socoda Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan

0
234

Baledweyn(INO)—Wararka ka imanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laga maqlayo gudaha magaalada Jalalaqsi rasaas ay isweydaarsanayaan dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab iyo ciidamada milatariga ee ku sugan degmada Jalalaqsi.

breakingIdaleNews

Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan degmada Jalalaqsi rasaas xoog leh ayaa laga maqlay suuqa ku yaal dhinaca Bari ee magaalada Jalalaqsi halkaa oo ganacsiga si caadi ah uga socday ayna jirin wax dhiilo colaadeed ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ay si dhuumaalaysi ah gudaha ugu soo galeen degmada Jalalaqsi ayna xabado ka bilaabeen suuqa lagu iibiyo jaadka ee magaalada Jalalaqsi.

Ugu yaraan hal ruux ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintey is rasaaseyntan mid kalana uu ku dhaawacmay. Ciidamada milatariga iyo kuwa AMISOM ayaa la geliyey heegan buuxda iyadoo weli xabaduhu ay ka dhacayaan gudaha magaalada Jalalaqsi.

Xalay ayay ahayd markii saacado kooban ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabelaha Hoose.

Idale News Online, Baledweyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here