Baydhabo(INO)-Kulan ballaaran Oo Ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, Suxufiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay ku sheegeen in Dhawaan isbedel lagu Sameyn doono Hogaanka Ururka Suxufiyiinka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee SOWEJA.
Gudoomiye Ku Xigeenka Ururkaasi, C/qaadir Barre Macalin ayaa sheegey in uu dhamaadey mudadii 6 bilood ahayd, isla markaana Waxa uu Shaaciyey in Maalmaha Soo Socodo La Dooran Doono Hogaan Cusub.
“Kulankan Maanta Ay Ku Sheegeen Ururka Wariyaasha Magaalada Baydhabo Waxa Lagu Go’aansadey in dhawaan Isbedel lagu sameyn doono Hogaanka Ururka Saxafiyiinta KG Somalia oo Lixdii bilood ee La soo dhaafey uu shaqeeynayey, waxa la isku raacey in isbedel lagu sameeyo Hogaanka Ururka SOWEJA, anigoo ku hadleya magaca Saxafiyiinta KG Somalia-na waan Soo dhaweeyey, Go’aanka ay qaateen Wariyaasha KGS” ayuu yiri C/qaadir Barre Macalin.
” Sida Aan La Socono Hogankan waxaan Go’aansaney Markii Horeba in mudo 6 bilood ah ay inoo haayeen Hogaanka Ururka SOWEJA, Mudadiina hada Way Dhamaatey, Dhalanyarrada Saxafiyiinka ah Ee KG Somalia in isbedel dhab ah ay la yimaadaan, aad ayaan ugu faraxsanahay Mas’uuliyiintii Xilka Haayey oo Runtii Soo dhaweeyey doorashadda Hogaanka Cusub, Mar dhaw ayey ka dhici Doonta Magaalada Baydhabo” ayuu yiri Siraaji Sheekh Isxaaq oo ka mid ah wariyaasha Ka hawl-gala Baydhabo.
Ugu dambeyntii Guudoomiye ku xigeenka SOWEJA ayaa sidoo kale sheegey in maalinta Khamiista ay tahay taariikhdana ay ku beegan tahay 27-6-2015 ay dhici doonto doorashada guud ee ururka, taasi oo ay codeyn doonaan wariyayaal iyo wakiilo ka kala socda Goboladda Bay Bakool iyo Shabeelada Hooose.
Halkan Ka Dhageyso.
Cali Ilyaas Cabdillahi, Idale News Online, Baydhabo