Garowe(INO)— Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid dastuurka cusub ee dhowaan lagu ansixiyay shirka Cadaado ee maamulka loogu sameynayo Gobollada Mudug iyo Galgaduud, maamulkan ayaa loogu yeeri doonaa Galmudug State.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in dastuurkan uu tilmaamayo xuduuda Gobolka Nugaal, taasna ay tahay mid nasiib darro ah, isla markaana Puntland horay u cadeysay in Gobolka Mudug, waqooyigiisa, barigiisa iyo galbeedkiisu yahay dhulkooda.
Halkan Ka Dhageyso.
Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu xusay in shirka lagu dhisayo Cadaado uu yahay mid horseedi doona dagaal ka soo cusboonaada dadka deriska ah nabadda ku wada nool, sida lagu yiri war saxaafadeedka.
Waxaa kaloo Puntland ay sheegtay in Mas’uuliyadda dhibaatada ka timaada deegaanadaas inay qaadi doonto dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku eedeeysay inay hormuud ka tahay arrimahaas.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Nidaamka Federaalismka laga weeciyay wadadii uu ku socday oo ay heshiis ku ahaayeen Umadda Soomaaliyeed, lana doonayay in loogu gudbo nidaaka awooda xoogga badan dowladda Dhexe, kaasoo laga dhaxlay bur burkii Qaranimada Soomaaliya.
Dhinaca kale Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ah Musharax u taagan madaxtinimada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in warka ka soo yeeray Puntland uu yahay mid aan la aqbaleyn, isla markaana horay ay u baratay Puntland inay baado dowladda Federaalka
Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in labada dhinac ay wada hadal ka geli karaan arrimaha taagan, si loo xaliyo muranka ka jira xuduudaha, waxaana uu meesha ka saaray sheegashada Puntland ee deegaanada badan ee Gobolka Mudug.
Maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa la filayaa in dhowaan la dhameystiro, iyadoo xalay la soo saaray liiska xubnaha Baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug, kuwaasoo dhowaan soo dooranaya Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne.
Idale News Online, Garowe